Dawlada jabuuti oo sheegtay in ay wali jawaab ka sugayso Itoobiya ee dalabkii dekeda ay ugu yaboohday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada jabuuti oo sheegtay in ay wali jawaab ka sugayso Itoobiya ee dalabkii dekeda ay ugu yaboohday!
October 1, 2024 - Written by Editor:

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay Wali Ethiopia ka sugayso jawaab ku aadan deked ay Jabuuti ku yaboohday inay Ethiopia isticmaasho si loo yareeyo xiisadda ka dhex-jirta Somaaliya iyo Ethiopia.

Jabuuti ayaa bilowgii bishan ku dhawaaqday inay Ethiopia siinayso dekedda dhinaca waqooyi ee Tajuura. Jabuuti ayaa aaminsan in isticmaalka dekedda Tajuura uu kor u qaadi karto ganacsiga gobolka iyo hagaajinta xidhiidhka kaabayaasha dhaqaalaha ee Itoobiya iyo Jabuuti.

Sidoo kale dawlada jabuuti ayaa markale ku celisay dalabkeegii ahaa in ay itoobiya siinayso deked ay isticmaasho taasi oo ay kaga hortagayso heshiiska dawlada itoobiya la gashay Somaliland ee ah in ay itoobiya Somaliland siinayso deked ciidan oo ay isticmaasho taasi oo dhanka kalena maamulka somaliya iyo jabuuti wali ku hawlan yihiin sidii ay uga hortagi lahaayeen dhamaystirka heshiiska Somaliland iyo Itoobiya waxaana sidaasi sheegay  Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo wareysi uu siiyay weriyaha VOA, Peter Clotty uu  kaga hadlay arrintan.

COMMENTS
LINKS