|
|||||
WAJAALE NEWS
“Walaashay Nawaad Xasan Waan ka Raalli Gelinayaa Hadalkii Aan Ku Idhi, Weliba Waxan Diyaar u Ahay In Aan Gefkayga Xaal Gole-joog ah Ka Bixiyo”Xildhibaan Xasan Dhuxul.
September 28, 2024 - Written by Editor:“Alle mooyee ma jiro cid aan qaldamin oo aanu gef ka dhicin. Hadalka aan ku idhi Walaashay #Nawaad_Xasan, waxa uu ahaa gef aan iga qaban iyo weedho aanay iga geyin, oo aanay u qalmin qiimaheedana aan ahayn. Walaashay Nawaad Xasan waan ka raalli gelinayaa hadalkii aan ku idhi, weliba waxan diyaar u ahay in aan gefkayga xaal gole-joog ah ka bixiyo. Kol haddii Aniga iyo walaashay aanu nahay dad isku qoys ah, oo ilmaadeer ah, cidda iyada xidhaha u ah ayaa anigana ii xidho ah oo aan ku go’aa. Arrintanna waxan gaadhsiiyey oo gacanta ku haya Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo odayaasha dhaqanka. Fiiro Gaar ah: Raalli-gelintayda in aan kala raagay igama ahayn masuug ku talo gal ah, balse waxa u sabab ahaa maqnaanshaha aan dalka ka maqnaa waanan soo noqday. Xildhibaan xasan saleebaan dhuxul “Laabsaalax” ayaa Xaal Iyo Raali Galin ka bixiyay hadal gef ah oo uu kula dul dhacay nawaad xasan oo ah gabadh ay ilma adeer yihiin isagoo arintana u xil saaray suldaanka guud ee beesha subeer awal iyo suldaan beesha sacad muuse suldaan ismaaciil suldaan cabdiraxmaan oo labadooda salaadiin u ah taasi oo soo afjartay kooxo siyaabo khaldan iyo iska horkeen bulsho doonayay In ay uga faa,iidaystaan. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|