|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kulan la Qaatay Ergeyga Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
September 21, 2024 - Written by Editor:Hargeisa-21-09-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ambassador James Swan oo dalka booqasho ku yimi.
Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakiil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire.
ALLAA MAHAD LEH Related posts:Wasiir Sacad Cali Shire Oo U Waramay Warbaahinta AL-ain, Kana Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo UAE “Mudane Madaxwayne Doorashada Iyo Nabad Galyada Dalku Aday Ku Saaran Tahay, Ee Dalka Waxaad Kaga Ta... Culimada Magaalada Boorama Oo Ka Digay Cawaaqib Xumada Ka Dhalan Karta Isku Milanka Siyaasada Iyo Qa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|