Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xoog Ciidan Kula Wareegay Goobtii loo Diyaarinayay Soo Dhawaynta Musharax Cirro Iyo Ku Biirista Xisbiga Waddani Ee Haldoorka Reer Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Gobolka Gabiley Oo Xoog Ciidan Kula Wareegay Goobtii loo Diyaarinayay Soo Dhawaynta Musharax Cirro Iyo Ku Biirista Xisbiga Waddani Ee Haldoorka Reer Gabiley.
September 25, 2024 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Ciidamo Boolis ayaa Maanta galinkii danbe xoog ukala wareegay goob loo diyaarinayay in ay maalinta bari ka qabsoonta munaasibada ay siyaasiyiin reer gabiley Ahi Ay ugu Biiranayaan Xisbiga waddani kuwaasi oo uu horkacayo wasiirkii hore Wasaarada warshadaha somaliland shucayb maxamed muuse taasi oo ay ka qaybgalayaan wafti uu hogaaminayo musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani.

Goobtan oo ahayd Huteelka xaaji askar ee badhtamaha magaalada gabiley oo loo asteeyay in ay munaasibadaasi ka qabsoonto ayaa waxaa yimid ciidamo boolis ah kuwaasi  joojiyay hawlihii diyaarinta ee ka socday islamarkaana burburiyay agabkii goobta yaalay lana wareegay, iyagoo sheegay in ay qabaan amar maamulka gobolka ah.

Arintan ayaa ah mid ceeb ku ah maamulka degmada gabiley oo caadaystay in uu ku tagrifalo awoodii qaranka islamarkaana si qaawan dagaal ugula jira xisbiga qaran ee waddani iyo taageerayaashiisa gobolka gabiley iyagoo islagalabtana ay ciidamo dharcad ahi suuqa magaalada gabiley  ka dhex xidh xubno dhalinyaro ah  ku guda jiray abaabulka munaasibada soo dhawaynta musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani iyo diyaarinta xaflada ku biirista ee haldoorka reer gabile,

dhanka kale xukuumada madaxwayne biixi ayaa saska qaaday siyaasinta reer gabiley ee ku biiraya waddani oo uu hogaaminayo Siyaasi shucayb maxamed muuse oo saamayn ku leh gobolka gabiley iyo guud ahaan deeganada beesha sacad muuse, halka ay xukuumadu xisbiga kulmiye  miciinbiday in ay xoog, cabudhin iyo xadhig u adeegsadaan shacabka isbadal doonka ah ee reer gabiley, taasi oo dhanka kale shidaal uga noqotay shacabka oo  aan rabintaankooga xoog lagaga hor joogsan karin. Oo mucaarid a dhigay dad badan oo ka cadhooday ficilada maamulka gobolka gabiley oo sida ay udhaqmayaan aanay ka jirin guud ahaan gobolada kale ee Somaliland.

siyaasiyiinta maalinta bari ku biiraya xisbiga waddani ayaa sheegay in aanay talaabadani ka waxba ka badali doonin qorshahooga islamarkaana ay diyaariyeen huteelka kale oo ay dhici doonta munaasibadu.

 

COMMENTS
LINKS