“Ma Jiro Wax Martiqaad Kulan Ah Oo Aannu ka Helnay Madaxweynaha, Iyo Xitaa Kulan Aannu ka Warqabnay In Uu Qabsoomayo” Xisbiga Waddani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ma Jiro Wax Martiqaad Kulan Ah Oo Aannu ka Helnay Madaxweynaha, Iyo Xitaa Kulan Aannu ka Warqabnay In Uu Qabsoomayo” Xisbiga Waddani.
September 23, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha Guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen ayaa layaab ku tilmaamay war habeenkii xalay kazoo bxay madaxtooyada kaasi oo lagu sheegay in xisbiga waddani ka maqnaaday kulan xisbiyada ku balan sanaayeen oo ka qabsoomay madaxtooyada sheegay in aanay jirin wax marti qaad ah oo uga yimid madaxwaynaha iyo waxay ka ogaayeen toona isagoo ka hadlayana wuxu yidhi;

“Waxaa la yaab ah in aannu warbaahinta ka ogaanno kulan lagu sheegay, in lagaga arrinsanayey difaaca qaran oo ay madaxtooyadu ku andacooto in aannu ka maqnaannay.

Haba yaraato ee ma jiro wax martiqaad kulan ah oo aannu ka helnay madaxweynaha, iyo xitaa kulan aannu ka warqabnay in uu qabsoomayo.

*Hal booli ahi, nirig xalaal ah ma dhasho*, ‘waa hubaal in shir been lagu agaasimay, aanu midho dhal noqon karin, waaba haddii marka hore midho laga sugayey ee’

WADDANI ajandihiisa Koowaad ee siyaasaddu, sida uu hore u caddeeyey, waa difaaca iyo ilaalinta qarannimada. Laakiin waxa uu aaminsanyahay in difaacu uu ku guulaysan karo oo keliya midaynta iyo walaalaynta umadda, taas oo ah ujeeddada ‘Socdaalka Walaaleeye’ ee ay hadda murashaxa iyo hoggaanka xisbigu ku marayaan dalka.

Madaxweynihii midayn ummadeed laga sugayeyna waxa uu shaqada difaaca qaranka ka bilaabay, in uu sii qaybiyo intii ugu yarayd ee ay ahayd in ay talo-wadaag u noqdaan difaaca, kuwaas oo ay xisbiyada qaranku ugu horreeyaan.

Ballanteennu waa Qaranka oo dib loo mideeyo, si uu isu difaaco.”

WQ-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.

COMMENTS
LINKS