Shirkadda Ethiopian Airline Oo War ka Soo Saartay Muuqaal Laga Faafiyay Gabadh Somaliyada Oo Xoog Lagaga Dajinayo Diyaarada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Ethiopian Airline Oo War ka Soo Saartay Muuqaal Laga Faafiyay Gabadh Somaliyada Oo Xoog Lagaga Dajinayo Diyaarada
July 21, 2024 - Written by Editor:

ADIS(W,N)-Shirkadda Ethiopian Airline oo war ka soo saartay muuqaal baraha bulshada ku faafay saacadihii u dambeeyey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in xogaha sheegaya in  gabadh Soomaaliyeed laga dejiyey  kursi diyaaradeed si loo fadhiisiyo Wasiir ka tirsan dawladda Itoobiya.

Maamuulka Diyaaradda ayaa sheegay in gabadhaasi ay ka mid ahayd dad ay diyaaraddu ka buuxsan tahay oo lagu war geliyey in ay soo raacan diyaaradda dambe balse ay ka dhega adaygtay codsigii shaqaaluhu ay siiyeen.

Muuqaal uu markii koowaad soo baahiyey  Larry Madow oo TV ga CNN uga soo warrama dalka Kenya ayaa muujinayey gabadh xijaaban oo doonaysa in ay fadhiisto kuraasta diyaaaradda balse ay wada murmayaan shaqaalihii diyaaradda ka hawl gelayay.

Diyaaradda gabadhan laga reebay ayaa ka soo duulaysay magaalada Addis ababa iyada oo ku sii jeedday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

COMMENTS
LINKS