Safiirka Somaliland Oo Warqad Aqoonsiga Ugudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Somaliland Oo Warqad Aqoonsiga Ugudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
July 24, 2024 - Written by Editor:

ADIS ABABA(W,N)-Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Adam Geedi Qayaad, ayaa si rasmi ah warqad aqoonsi ah ugu gudbiyay Melaku Bedada Senbeta, Agaasimaha Guud ee Hab-maamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Danjire Qayaad waxa uu warqadda aqoonsiga ku guddoonsiiyey Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska, taasoo ka dhigan tallaabo wax ku ool ah oo la xidhiidha xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Danjire Qayaad oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda uu leeyahay xiriirka adag ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal. Wuxuu muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadida iskaashiga iyo isfahamka dhinacyada kala duwan, sida ganacsiga, dhaqanka, iyo amniga gobolka.

Agaasimaha guud ee hab-maamuuska ayaa soo dhaweeyey Ambassador Qayaad, waxaanu ku celceliyey inay Itoobiya ka go’an tahay kor u qaadista xidhiidhka labada dal ee Somaliland. Labada dhinac ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka xiriirkooda diblomaasiyadeed.

COMMENTS
LINKS