Maxkamadda Adduunka Oo Go’aan Kasoo Saartay Dhul-boobka Ay Israa’iil Ka Wado Falastiin! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Adduunka Oo Go’aan Kasoo Saartay Dhul-boobka Ay Israa’iil Ka Wado Falastiin!
July 20, 2024 - Written by Editor:

Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ayaa Jimcihii xukuntay in joogitaanka Israa’iil ee dhulka la haysto ee Falastiin uu yahay sharci-darro, waxayna ugu baaqday inay joojiso deegaamaynta ay ka dhisayso Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus.

(From R) South African Judge Dire Tladi, US Judge Sarah Cleveland, Brazilian Judge Leonardo Nemer Caldeira Brant, German Judge Georg Nolte, Idian Judge Dalveer Bhandari, Somali Judge Abdulqawi Yusuf, Slovak Judge Peter Tomka, Lebanese Judge and President of the International Court of Justice (ICJ) Nawaf Salam, Ugandan Judge and
Vice-President of the International Court of Justice Julia Sebutinde, French Judge Ronny Abraham, Chinese Judge Xue Hanqin, Japanese Judge Yuji Iwasawa, Australian Judge Hilary Charlesworth, Mexican Judge Juan Manuel Gomez Robledo, Romanian Judge Bogdan Lucian Aurescu rise before delivering a non-binding ruling on the legal consequences of the Israeli occupation of the West Bank and East Jerusalem at the International Court of Justice (ICJ) in The Hague on July 19, 2024. – The UN’s top court handed down its view, on July 19, 2024, declaring “illegal” Israel’s occupation of Palestinian territories since 1967, amid growing international pressure over the war in Gaza. (Photo by Nick Gammon / AFP)

Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa bogaadiyay go’aanka halka ra’iisul wasaaraha Israa’iil Binyamin Netanyahu uu sheegay in ayna waxba ka bedeli karin.

Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in joogitaanka Israa’iil ee dhulka Falastiin uu yahay “sharci darro” waxayna ugu baaqday in dhismaha deegaamaynta si degdeg ah loo joojiyo, amarkan oo ah mid aan hore loo arag, oo cambaarayn ballaadhan u jeedinaysa xukunka Israa’iil ee dhulalka ay qabsatay 57 sanno kahor.

Israa’iil waxay qabsatay Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Marinka Qaza dagaalkii 1967-dii. Waxayna Falastiiniyiintu saddexdaas goobood u raadiyaan dawlad madax bannaan.

Garsoorayaashan oo ka kooban 15 xubnood ayaa sheegay in Israa’iil ay awoodda kula wareegtay dhulkaas. Waxa ay sheegtay in joogitaankeedu uu ahaa “sharci darro” waana in lagu soo afjaraa “si degdeg ah”.

Falastiiniyiintu waxay soo bandhigeen kiiskan bishii February iyada oo ay weheliyaan 49 waddan iyo saddex urur oo caalami ah.

Dhagaysigii bishii February, wasiirkii arrimaha dibadda ee maamulka Falastiin ee xilligaas, Riad Malki ayaa ku eedeeyay Israa’iil midab-takoorka, wuxuuna ku boorriyay maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay inay caddeyso in qabsashada Israa’iil ee dhulalka Falastiiniyiinta ay tahay mid sharci-darro ah oo ay tahay inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u soo afjarto.

Go’aankan Maxkamadda ayaa kusoo beegmay xili uu weli horyaal kiiska kale oo ay Koonfur Afrika ka keentay Xasuuqa ay Israa’iil ka wado Gaza 10-kii bilood ee lasoo dhaafay.

COMMENTS
LINKS