|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxda Deeganada Soomalida Iyo Canfarta Oo Heshiis Nabadeed Wada Gaadhay!
July 19, 2024 - Written by Editor:JIGJIGA(W,N)-Madaxda Maamulada Canfarta iyo Soomaalida Ee itoobiya ayaa ku dhawaaqay heshiis cusub oo lagu xallinayo colaadaha ka taagan deegaannada muhiimka ah ee xuduudka, iyadoo loo marayo wada-hadal nabadeed, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta. Awol Arba,madaxweynaha deegaanka Canfarta iyo mustafe Cagjar,madaxweynaha deegaanka Soomaalida ayaa xusay in mas’uuliyiinta ugu sareysa labada gobol iyo dowladda federaalka ay kawada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa xiisadaha taagan. Laba hogaamiye ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay in si wadajir ah loo ogaado sababaha keenay isku dhacyada iyo horumarinta xalal iskaashi. Heshiiskani wuxuu daba socdaa isku dayo dib-u-heshiisiineed oo hore, oo ay ku jirto xabbad-joojin la gaadhay Abriil 2024 iyadoo loo marayo wadahadal uu hoggaaminayo Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee dalka itoobiya. Related posts:“5Aad Waxaan Leeyahay Waalaydiin Ogyahay Taariikhda In Aad Halganka Ku Bilowdeen Afraad, Iyadoon SNM... Turkiga Oo Maxkamad Saaraya Wiil Uu Dhalay Madaxwaynaha Somaliya Oo Muwaadin Reer Turki Ah Jiidhay Daawo:Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Si Adag Uga Hadlay Shirkii Saaka Xukuumadu Ka Hor Istaagtay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|