|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaanka Xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid Oo Kulan Yeeshay Iyo Arimaha Ay ka Wada Hadleen.
July 22, 2024 - Written by Editor:Madaxda xisbiyada Qaranka KULMIYE iyo UCID, ayaa maanta yeeshay kulan qado ah oo ka qabsoomay Hotel Baraar ee Magalada Hargeysa. Kulankan waxay masuuliyiinta labada Xisbi kaga wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha Qaranidamada, Doorashooyinka soo socda, Nabadgelyada iyo Difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadio labada Xisbi isla qaateen in la sii wado shirarkan oo loo ballamay kuwo kale in la isugu yimaado. Shirka waxa xisbiga KULMIYE uga qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Wasiirka Daakhiliga Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku-xiigeenka 1aad Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad Md. Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiye Ku-xigeenka 4aad, Musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Maayorkii hore Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) iyo Axmed Nuur Faahiye oo ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE. Dhinaca Xisbiga UCID madaxda kulanka uga qaybgashay waxa hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo ay wehelinayeen Xubno sarsare oo ka mid ah Xisbiga UCID. Related posts:DAAWO;-Dab Xoogan Oo Caawa Ka Kacay Meherado Ganacsi Oo Ku Yaala Badhtamaha Suuqa Waaheen Ee M. Harg... Xukuumad Aan Dhaliilaha Mucaaridkeeda u Adkaysan karin Tabashooyinka Dadkeedana Aan Hadal ku Qancin ... Mulkiilaha World Remit Oo Sheegay In Maayarka Caasimadu Talaabo Ka Qaaday Shaqaale Dawlada Hoose Kat... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|