Dawlada Somaliland Oo Ka Digtay in ciidamada badda Ee Turkigu Kusoo Xadgudbaan Xeebaha Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliland Oo Ka Digtay in ciidamada badda Ee Turkigu Kusoo Xadgudbaan Xeebaha Somaliland.
July 25, 2024 - Written by Editor:

Sidaasna waxa  lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo ay soo turjuntay  Wakaaladda Wararka Somaliland  ee SOLNA.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay sheegtay  in Somaliland ku taagan tahay xeerarkii lagu ansixiyay shirkii midowga Afrika ee ka qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar sannadkii 1964kii, kaas oo dhigayay in aan lagu xadgudbin xuduudihii gumaystuhu ka tagay ee guud ahaan Afrika. Xuduudda u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya oo hore loo odhan jiray Italian Somaliland, waa qaar caalamka oo dhammi aqoonsan yahay oo aanay ciddi  ku xad-gudbi karin sida maamullka Muqdisho.

Xukuumaddu waxay intaas ku dartay  in Tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay cid gaar ahi qaaddo, sida ciidamada  badda ee Turkiga ee la sheegay inay ka hawl-galayaan Somaliland, waxa ay ka dhigan tahay xad-gudub weyn oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Falalka noocaas ahina waxa ay wiiqayaan xasilloonida gobolka, waxaanay ka hor imanayaan nabad ku wada noolaanshaha dawladda deriska ah ee mandaqadda geeska Afrika.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu  baaqaysaa beesha caalamka inay ixtiraamto oo ay dhowrto xuduudeheeda baddeed, waxaanay sidoo kale xoojinaysaa baahida loo qabo in dhammaan dhinacyadu ay wada hadlaan isla markaana ay ixtiraamaan qawaaniinta caalamiga ah ee lagu maamulo badaha.

Waxa lagu yidhi war-saxaafadeedkan, “Somaliland waxa ka go’an inay kobciso xidhiidhka wada shaqayneed ee ay la leedahay dhammaan dalalka kaasoo salka ku haya is-qadarin iyo u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah , waxaanu ku boorrinaynnaa dhammaan daneeyayaasha arrimahan inay taageeraan dedaallada lagu doonayo in lagu ilaaliyo amniga iyo xasilloonnida gobolka.”

“Somaliland 20kii sanno ee la soo dhaafay waxa ay lahayd hannaan xooggan oo ay baddeeda kaga ilaalinayso budhcad-badeedda, tahriibinta dadka iyo argagixisada. Somaliland iyada oo adeegsanaysa ciidamadeeda ilaalada xeebaha iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxa ay samaysaa roondo iyo hawlgallo lagu ilaalinayo xeebeheeda,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Wasaaradda Khaarajiga.

War-murtiyeedka waxa kaloo lagu sheegay  in Dedaallada dardarta leh ee ay somaliland ku bixiso bad iyo barriba ay ka qayb qaataan xaqiijinta bad-qabka iyo amniga biyaha iyo in ganacsiyada caalamiga ahi si nabadgalyo ah u maraan xuduudaha badda Somaliland.

Ugu dambayn, war-saxaafadeedkaas waxa lagu caddeeyay in  Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kasta u taagan tahay inay ka ilaaliso madax-bannaanideeda dhuleed iyo qarannimadeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta, iyada oo geesta kalena ku taagan ilaalinta qawaaniinta xidhiidhka caalamiga ah ee dawladaha dunida.

COMMENTS
LINKS