Dawlada Somaliland Oo Go,aankii Qaramada Midoobay Cunaqabatayda hubka Somaliya Kaga Qaaday Ku Tilmaantay Mid Lagu Deg Degay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Somaliland Oo Go,aankii Qaramada Midoobay Cunaqabatayda hubka Somaliya Kaga Qaaday Ku Tilmaantay Mid Lagu Deg Degay!
July 19, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku tilmaantay go’aan lagu degdegay tallaabadii Golaha ammaanka ee Qarammada midoobay ay cuna-qabatayntii hubka kaga qaadeen Soomaaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland oo ay baahisay Wakaaladda Wararka ee  SOLNA oo u qornaa sidan:-

“Tallaabadii Golaha Ammaanka ee Qarammada midoobay ay cuna-qabatayntii hubka kaga qaadeen Soomaaliya, wuxuu ahaa   go’aan aan xlligiisii la gaadhin oo lagu degdegay, marka aad eegto labadan qoddob ee hoos ku qoran:-

1)-Wuxuu kordhiyay dagaalada reeraha iyagoo si fudud u helaya hub iyo saanad millatari.

2)-Hubku wuxuu si sahlan ugu gacan galayaa kooxaha argagixisada, maadaama oo aanu jirin nidaam iyo xukun dawladeed.

Waxa  dhacda in si badheedh ah loo siiyo hubka kooxaha xagjirka ah, iyadoo ay jirtaan Hay’ado dawladeed oo si dhow ula  shaqeeya mooxahaas sida lagu caddeeyay warbixino badan oo caalami ah.

Sidaas darteed, hubka u gacan galay maleeshiyaadka iyo reeruhu wuxuu noqday mid ku faafay gobollada dhexe iyo koonfurta fog ee Soomaaliya. Waxa jira in hubkaas illaa 11 deegaan oo dagaalo beelleed ka dhaceen si xun la iskugu la iskugu adeegsaday.

Dawladda Soomaaliya waxa ay door weyn ka qaadatay hubaynta maleeshiyaadka iyo beelaha iyadoo  marmarsiiyo ka dhigatay; in beeluhu la dagaalamayaan Alshabaab.

Ugu dambayn, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku boorinaysaa beesha caalamka iyo dawladaha jaarka inay si weyn uga feejignaadaan arrintaa hubka oo halis ku ah xasiloonida mandaqada Geeska Afrika, taasi oo dhaawacaysa nabadgelyada.”

COMMENTS
LINKS