Xuutiyiinta Yemen Oo Weeraro Ku Qaaday Laba Markab Oo Marayay Badda Cas Iyo Badweynta Hindiya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuutiyiinta Yemen Oo Weeraro Ku Qaaday Laba Markab Oo Marayay Badda Cas Iyo Badweynta Hindiya!
June 25, 2024 - Written by Editor:

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in ciidamadooda ay weerareen laba markab oo marayay badda cas iyo badweynta Hindiya.

Markabkii ugu horeeyay oo lagu magacaabo Transworld Navigator, ayaa lagu bartilmaameedsaday Badda Cas, iyadoo la adeegsanayo “doon qarax sida oo aan la saarnayn” taasoo keentay in si toos ah loogu dhufto markabka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yahya Saree.

Markabka labaad oo lagu magacaabo Stolt Sequoia, ayaa lagu weeraray Badweynta Hindiya, waxaana lagu weeraray tiro gantaallo ah, sida uu sheegay.

Wuxuu sheegay in maraakiibta ay leeyihiin shirkado “ku xad-gudbay mamnuucida soo gelitaanka dekedaha Falastiin ee la haysto.”

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii Nofembar waxa ay duqaymo diyaaradeed iyo gantaallo ah ku garaacayeen marinnada maraakiibta, iyaga oo sheegay in ay u dhaqmayaan si ay u garab istaagaan Falastiin.

Tobaneeyo weerar, Xuuthiyiintu waxay ku quusiyeen laba markab, mid kalena way qabsadeen, waxayna dileen ugu yaraan saddex badmaaxiin ah.

 

COMMENTS
LINKS