Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Usameeyay Maayarka Iyo Kuxigeenka Degmada Burco Oo Kusoo Biiray Kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Usameeyay Maayarka Iyo Kuxigeenka Degmada Burco Oo Kusoo Biiray Kulmiye
June 10, 2024 - Written by Editor:

BURCO(W,N)-Munaasibad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayo maayarka golaha deegaanka Burco, mudane Maxamed Xirsi Axmed (Maxamed-case) iyo kuxigeenkiisa, mudane Suldaan Jaamac Nuux iyo taageerayaashooda oo kusoo biiray xisbiga KULMIYE, kana soo digo-rogtay xisbiga WADDANI oo ay hore uga soo baxeen, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Burco.

Munaasibadda lagu soo dhawynayo guddoomiyaha iyo kuxigeenka golaha deegaanka degmada Burco iyo taageerayaashooda waxa ka qaybgalay wefti ka socda hoggaanka KULMIYE oo uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda xisbiga iyo xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka Togdheer iyo degmada Burco, madax ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dawladda, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal tiro badan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Maayarka degmada Burco, Mudane Maxamed Xirsi Axmed iyo kuxigeenkiisa, mudane  Suldaan Jaamac Nuux oo halkaas ka hadlay oo halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay asbaabaha ku kallifay inay ku biiraan xisbiga KULMIYE, waxana ay caddeeyeen inay ku qanceen waxqabadka xukuumadda KULMIYE, codkooda iyo cududdoodana la garab geli doonaan.

Qaar kamid ah cuqaasha iyo madax-dhaqameedka gobolka iyo xubno kamid ah holaha deegaanka Burco, kana soo jeeda xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey maayarka iyo kuxigeenka degmada Burco iyo taageerayaashoodaba.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, mudane Cali Xasan Maxamed, guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif, guddooniyaha hay’adda dhawrista tayada, mudane Mukhtaar Maxamed Cali oo halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey taageerayaasha iyo cududda ay hoggaaminayaan duqa iyo kuxigeenka Burco, waxana ay si cad u sheegeen inay yimaadeen madal aan cidina ka sheeganayn.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE,  mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa dhankiisa soo dhaweeyey madaxda iyo taageerayaasha xisbiga kusoo biiray, waxana uu xusay inay hagar la’aan ula shaqeynayaan, soona dhaweynayaan.

Guddoomiye-kuxigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, mudane  Cabdicasiis Maxamed Samaale oo madasha soo afmeeray, ayaa xisbiga kusoo dhaweeyey duqa degmada, ku-xigeenkiisa iyo taageerayaasha baaxadda leh ee ay wataan, waxana uu ku sifeeyey cudud laxaadkeeda leh oo xisbiga KULMIYE ka dhex muuqan doonta.

COMMENTS
LINKS