Weftigii ka Socday xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumadda Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmada Sallaxley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Weftigii ka Socday xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumadda Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmada Sallaxley
June 24, 2024 - Written by Editor:

Sallaxley:24/06/2024(W,N)-Weftigii ka socday xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ee uu hoggaaminayey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, oo uu ku weheliyay gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Sallaxley oo ay safar shaqo ku tageen.

Taageerayaal tiro badan oo caleemo qoyan iyo astaamaha xisbiga KULMIYE lulaya, ayaa weftiga kaga horyimi duleedka magaalada Sallaxley, waxana ay u gelbiyeen madal loo asteeyey inay bulshada lagala hadlo.

Maamulka degmada u qaabilsan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE oo ugu horrayn munaasibadda soo dhaweynta ah ka hadlay, ayaa weftiga ka socda xisbiga ugaga mahadnaqay booqashada shaqo ee ay degmada ku tageen, waxana ay sharraxeen waxqabadka baahsan ee xukuumadda xisbiga KULMIYE degmada ka hirgelisay.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo haldoorka kasoo jeeda degmada Sallaxlay ee xilalka ka haya xisbiga KULMIYE oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha weftiga ah, waxana ka mahadnaqeen dedaalka xukuumaddu degmada horumarkeeda gelisay.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa iyaguna bulshada reer Sallaxley uga mahadnaqay soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee ay weftiga ku qaabileen, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumadda ka go’an tahay dhammaystirka tallaabooyinka horumarineed ee degmada laga sameeyey.

Xubno kamid ah weftiga oo ay kamid tahay xoghayaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Marwo Sahra Caydhaf, ayaa dhankeeda bulshada reer Sallaxlay uga mahadnaqday taageerada ay weftiga iyo xisbiga KULMIYE u muujiyeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo la hadlay taageerayaasha weftiga soo dhaweeyey, ayaa si mug iyo miisaan leh u sharraxay sida ay xukuumadda KULMIYE waxqabad la taaban karo uga hirgelisay meelo badan oo dalka ah oo sallaxley kamid tahay, waxana uu sheegay inay sallaxlay mar kasta mudnaan gaar ah leedahay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin oo munaasibadda soo xidhay, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta lagu qaabilay weftiga uu gadh-wadeenka u yahay, waxana uu xusay in horumarinta degmada sallaxlay xukuumaddu dedaal badan gelisay, haatan sii wadi doonto hirgelinta wax kasta oo degmada qorshaha ugu jira.

Sidoo kale, waxa madasha si weyn loogu soo dhaweeyey Maayarka degmada Sallaxley Eng. Maxamed Cabdi Haarriye oo hore uga soo baxay xisbiga UCID, maantana si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga KULMIYE, kaas oo goobta ka sheegay inuu ku qancay waxqabadka xukuumadda KULMIYE dalka oo dhan ka waddo.

 

COMMENTS
LINKS