Wasiirka Maalgashiga Jsl Oo Maalqabeenada Dalka Itoobiya Ugu Baaqay In Ay Ka Faa,iidaystaan Fursadaha Maalgashiga Ee Dalka Ka Banaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maalgashiga Jsl Oo Maalqabeenada Dalka Itoobiya Ugu Baaqay In Ay Ka Faa,iidaystaan Fursadaha Maalgashiga Ee Dalka Ka Banaan!
June 1, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Maalashiga iyo Wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa ugu baaqay maalqabeennada Itoobiya inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka bannaan  JSL.

Wasiirka Maalgashigu wuxuu sidaas ka sheegay waraysi uu siiyay Wargeyska Ethiopian Herald oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in sare loo qaado iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland wuxuu hoosta ka xariiqay in heshiiska isfaham ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya uu labada dal u furi doono fursado badan oo lagu xoojinayo cilaaqaadka dhaqaale ee labada dal ee rafiiqa ah.

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim wuxuu ugu baaqay ganacsatada Itoobiya inay maalgashan karaan sibidhka, maadaama oo dekeddii laga dhoofinayeyna ay ku taallo Somaliland oo ah waddan amni ahaan maalgashigu ka tisqaadi karo.

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim waxa kaloo uu intaas ku daray in la maalgashan karo kalluumaysiga iyo beeraha, waxaanu caddeeyay inay xukuumadda Somaliland  u fududeysay nidaamka maalgashiga maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Wasiirka Maalgashiga oo la weydiiyay inay jiraan ganacsato Itoobiyaan ah oo ka shaqeysta Somaliland, wuxuu xaqiijiyay inay jiraan dad Itoobiyaan ah oo ku jira ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, hase ahaatee uu rajaynayo in shirkadaha waaweyn ee Itoobiya yimaadaan Somaliland.

COMMENTS
LINKS