Ururka Xisbullah Oo Soo Riday Diyaarad Drone Ee Israa’iil Leedahay Oo Dul Maraysay Hawada Dalka Lubnaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Xisbullah Oo Soo Riday Diyaarad Drone Ee Israa’iil Leedahay Oo Dul Maraysay Hawada Dalka Lubnaan
June 11, 2024 - Written by Editor:

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in difaacyadooda cirka ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil koonfurta Lubnaan Isniintii, milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyey khasaaraha diyaaradda laga soo riday.

Xisbullah ayaa ku dhawaaqday in ay duqeysay diyaarad nooceedu yahay Hermes 900, oo ahayd sahanka militariga Israa’iil. Tani waxay ka dhigan tahay ugu yaraan diyaaradii saddexaad oo ay Xisbullah soo riddo.

Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradahooda dagaalku ay duqeeyeen laba dhismo oo milatari oo ay leeyihiin Xisbullah iyo fadhiisin ay ka sameysteen deegaanada Aitaruun iyo Ayta ash Shab ee koonfurta Lubnaan.

COMMENTS
LINKS