Taliyaha Ciidanka Dab Damiska Oo faah Faahin Ka Bixiyay Dab Ka Kacay Meherad Ku Taala Badhtamaha Suuqa Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Dab Damiska Oo faah Faahin Ka Bixiyay Dab Ka Kacay Meherad Ku Taala Badhtamaha Suuqa Hargaysa.
June 19, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dab weyn oo ka kacay Meherad ku taala Badhatamaha Suuqa laguna Magacaabo Waaheen Store kuna taala dhinaca bari ee Shirkadda Telesom.

Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay dabkaa ka xakameeyaan Ganacsiyo fara badan oo u dhawaa, waxaana dabkaa ciidanku ku hakiyay meheradii uu ka bilaabmay.

Fooqyo dhaadheer oo ay ka mid ahaayeen Siimoodi,Telesom iyo Ganacsiyo kale ayaa goobtaa ku yaalay, dabkuna halis ku ahaa khasaare weyna geysan lahaa.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo hogaaminaya Ciidanka, iyadoo gurmad loo dhanyahay ay ku yimaadeen dhamaan xarumaha degmooyinka Dabdemiska Ciidanka, ayaa dabkaa ka hortagay inuu khasaare ballaadhan geysto.

Ciidanka Booliska iyo shirkadaha Korontada ayaa goobjoog ahaa hawlgalkan.

Fadlan Ganacsade Meheradaada markaad ka tagayso cid kaga tag, sidoo kale Ganacsade waxaad meherada dhex dhigtaa haanta yar

ee dabka lagu damiyo.

Soo wac lambarka gurmadka dedgdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadood.

COMMENTS
LINKS