|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Cumar Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Gabiley Iyo Ujeedada Kulamo Uu La Qaatay Bulshada
June 3, 2024 - Written by Editor:Wasiirkii Hore ee wasaaradaha arimaha dibada iyo ganacsiga ee xukuumada Axmed siilaanyo Dr Maxamed cabdilaahi Cumar iyo wafti iskugu jira siyaasiyiin iyo aqoonyahan ayaa maanta galinkii hore booqasho ku tagay magaalo madaxda gobolka gabiley ee gabiley halkaasi oo uu kulamo kula qaateen dhalinyarada, muda karka magaalada gabiley,
Socdaalka wasiirkii hore ee arimaha dibada diblamaasi sare maxamed cabdilaahi cumar iyo masuuliyiintan ku weheliyay ayaa ujeedadiisu ahayd sidii uu bulshada reer gabiley xogwaran ula qaadan lahaa kaasi oo lagaga arinsanayo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka inagu soo socda
Dhanka kale siyaasi maxamed cabdilaahi oo ay weheliyaan wasiirkii hore ee wasaarada warshadaha xukuumadii axmed siilaanyo shucayb maxamed muuse, Ex xildhibaan bashiir tukaale, siyaasi Axmed Muxumed Cumar, Aqoonyahan Mukhtaar Muxumed Xasan, Cabdirasaaq Askar, Xildhibaan Axmedwali oo katirsan golaha deegaanka gabiley iyo xubno kale ayaa mudooyinkii udanbeeyay ku hawlanaa shirar ay bulshada gobolka gabiley la qaadanayeen kuwaasi ood aaran sidii bulshada reer gabiley door muhiim ah uga qaadan lahaayeen isbadalka siyaasadeed ee dalka ka socda iyagoo qayb ka ahaa dadaalada soo dadajiyay in xukuumadu soo gudbiso gobolnimada gabiley hadana ku hawlan sidii loo dhamaystiri lahaa golaha wakiiladuna u ansixin lahaayeen taasi oo ay xisbiyada mucaaridka ee aqlabiyada xildhibaanada golaha wakiilada ay kala hadleen sidii ay Ansixinta Gobolnimada gabiley u hirgalin lahaayeen. Taasi oo ay tacab badan iyo dadaal galiyeen gudida ka midho galinta gobolnimada gabiley oo iyagu mudo sedex sano ah arintan soo waday,
Masuuliyiin ayaa isla galinkii danbe ee maantana la shaaheeyay qaybo kale oo kamid ah bulshada reer gabiley kuwaasi oo ay kala sheekaysteen xaaladaha dalka iyo dareenka guud ee bulshada qabto. Siyaasi maxamed cabdilaahi cumar iyo siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka ku weheliya socdaalka gabiley ayaa la filayaa dhawaan in ay xisbiga mucaaridka ee waddani heshiis siyaasadeed la galaan taasi oo saamayn balaadhan ku yeelan doonta bulshada gobolka gabiley iyo galbeedka hargaysa dega oo mudooyinkii hore siwayn utaageersanaa xisbi xaakimka kulmiye balse ay hugo badan iyo waxqabad la,aan kala kulmeen.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|