Masuuliyiinta Wasaarad Waxbarasha Jsl Oo Soo Xidhay Imtixaankii Shahaadiga Ah Ee Fasalada 8Aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta Wasaarad Waxbarasha Jsl Oo Soo Xidhay Imtixaankii Shahaadiga Ah Ee Fasalada 8Aad.
June 25, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL oo uu weheliyo guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka qaranka ayaa si rasmiya u soo xidhay imtixaanka fasalada 8-aad, iyaga oo sheegay inuu ku soo gebo-geboobay si nabad-gelyo ah.

Ugu horayn guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sannad kani yahay kii imtixaanku ugu dhibta yaraa, islamarkaana aanay jirin wax rabshada oo ka dhacday dugsiyada hoose, waxaana uu sheegay inuu guul u rajaynayo ardayda dhamaystay iyo kuwa uu khamiista u dhamaan doonaba.

Guddoomiyaha ayaa waalidiinta u soo jeediyay inay ardayda ka waaniyaan dhamaanba wixii caqabad ku keeni kara imtixaankooda.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dr Axmed Aadan Buuxane ayaa dhankiisa u hambalyeeyay ardayda uu imtixaanku u dhamaaday sidoo kalena Alle uga baryay inay guulaystaan, waxaana uu wasiirku u mahad-naqay waalidiinta iyo dhamaanba macalimiintii ardayda wax soo baray.

Wasiirka ayaa si gaara ugu mahadnaqay ciidamada kala duwan ee heeganka u ahaa mudadii uu imtixaanku socday.

 

COMMENTS
LINKS