|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Wareegto kusoo Saaray Waxka-qabashada Faldambiyeedka Kufsiga!
June 24, 2024 - Written by Editor:Wareegto Madaxweyne-24-06-2024. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ka soo saaray Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga oo ay Golaha wasiirradu fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, ku go’aamiyeen in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga; Waxaanay u dhignayd wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Wax-ka-qabashada Fal-dambiyeedka Kufsiga Markaan Arkay: Qodobbada 90aad iyo 36aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wasiirrada ee fadhigii 129aad, ee qabsoomay 13/06/2024, fadhigaas oo uu Goluhu ku go’aamiyey in nidaamka garsoorka loo daayo go’aan ka gaadhidda arrimaha kufsiga; Markaan Arkay: In muddooyinkan dambe ay Gobollada iyo Degmooyinka dalka ay ku soo badanayaan fal-dambiyeedka Kufsigu, falalkaas oo khatar ku ah nabad-gelyada guud ee Qaranka; Markaan Garwaaqsaday: Muhiimadda ay leedahay in sharciga la-horgeeyo eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga; Waxaan Go’aamiyey; 1) In fal-dambiyeedka kufsiga loo daayo Maxkamadaha dalka ee awoodda u leh, si eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyadaas loo mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysteen, sidoo kalena loo xaqiijiyo dhawridda xuquuqaha iyo xoriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta. 2) Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku ay xaqiijiyaan in eedaysanayaasha ku kaca fal-dambiyeedka kufsiga la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh, waxaana ka reeban in lagu xaliyo nidaam aan ahayn nidaamka garsoorka Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Related posts:Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Ka Hadlay Dib U Dhac Ku Yimi-Imtaxaan-Laga-Qaadi-Lahaa-Sh... Halkan Ka Daawo Heestii Dhulkaaga Ee 18 May Iyo Xidigaha Geeska Wacdarihii ay Ka Dhigeen Munaasibad... DAAWO;-Shacabka Caasimada Hargeysa Oo Ka Dareen Celiyay Cida Uu Noqonayo Maayarka Cusub Ee Hargeysa! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|