“Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Wuxuu Wax ka Beddeli Doonaa, Jawiga Juquraafi iyo Siyaasadeed Ee Geeska Afrika”Khabiir Hamidi Jama. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Wuxuu Wax ka Beddeli Doonaa, Jawiga Juquraafi iyo Siyaasadeed Ee Geeska Afrika”Khabiir Hamidi Jama.
June 25, 2024 - Written by Editor:

Warbixin ay qortay warbaahinta Addisstandard ee laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in heshiiska ay wada gaadheen dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya uu wax weyn ka bedeli doono jawiga juquraafiyadeed iyo ka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu tilmaamay in heshiiska is fahan ee Somaliland iyo Itoobiya uu ka muuqdo horumar iyo is-bedel weyni, sidoo kalena tallaabadan istiraatijiga ahi aanay ahayn kaliya mid lagu wajaho amaanka badda gacanka cadmeed, balse sidoo kale wax lagaga qabanayo xasaradaha gobolka ee saameeyay badda cas iyo kanaalka Suweys.

Hamidi Jaamac oo ah khabiir falanqeeya amniga baddaha, ayaa soo bandhigay ahmiyadda uu heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya u leeyahay dalka Masar. Khabiirkan oo qormo ku baahiyey Wargayska Addis Standard ayaa lagu sheegay in heshiiska dhex maray Somaliland iyo Itoobiya uu wax ka beddelayo jawiga juquraafi iyo ka siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika, marka la eego muhiimadda uu saldhigga Ciidamada badda ee Itoobiya uu u leeyahay amniga marinnada badda cas iyo gacanka cadmeed.

Khabiirkan ayaa sheegay in goobta juquraafi ee Somaliland dhacdo ay qayb laxaadle ka qaadanayso ammaanka gacanka cadmeed iyo Badda Cas, waxaa kale oo uu tilmaamay khabiirku in hirgelinta saldhiga ciidamada badda ee Itoobiya ay ku yeelanayaan xeebta Somaliland uu door weyn ku yeelan doono ammaanka marin biyoodka badda cas.

Khabiirku wuxuu warbixintiisan ku soo bandhigay in heshiiskan labada dal dhex maray uu faa’iido u leeyahay daneeyayaasha caalamka oo dhan oo ay ku jirto Masar, maadaama uu kor u qaadayo amniga gobolka iyo inuu kordhinayo ilaalinta marinka Suweys.

Khabiirkan ayaa warbixintiisa ku soo badhigay heshiisyo hore oo Maraykanka iyo Soofiyeedkuba ay ku garwaaqsadeen qiimaha istiraatijiyadeed ee Somaliland iyagoo gegida diyaaradaha ee Magaalada Berbera u isticimaali jiray Saldhig ciidan, waxaanu khabiirku sheegay in heshiisyadaas taariikhiga ahi ay dhammaantoodba ka marag kacayaan kaalinta ay Somaliland ku leedahay quwadaha waaweyn.

Khabiir Hamidi Jamaac wuxuu warbixintan ku sheegay in diidmada Soomaaliya ee heshiiskani la xidhiidho aragtida ay ka aaminsan yihiin Somaliland oo ay sheegtaan, hase yeeshee waxa uu khabiirku caddeeyay in Somaliland ay soo bandhigtay in saldhiga ciidan ee ay Itoobiya ka siinayso xeebteeda uu horseedi doono aqoonsi buuxa oo Itoobiya siiso Somaliland.

Khabiirku waxa uu soo xigtay waraysi uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi dhawaan siiyay Wargayska Financial Times, kaas oo uu ku faahfaahiyey in imaatinka ciidamada badda ee Itoobiya ay gacan ka gaysan karto xakamaynta khatarta Xuutiyiinta ee gacanka cadmeed, kuwaas oo carqalad geliyey marinkii maraakiibtu adeegsan jireen ee Baabul mandab.

Khabiirkan ayaa sheegay in Saldhig ay ciidanka Itoobiya ku yeeshaan Somaliland uu horseedi karo xakameynta dhaq dhaqaaqyada xagjirka, iyo hubinta inay si badbaado leh u adeegsadaan marin biyoodkaas maraakiibta ganacsi ee caalamka

COMMENTS
LINKS