Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Shaacisay fasaxa Shaqaalaha Ee Maalmaha Ciidul Adxa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Shaacisay fasaxa Shaqaalaha Ee Maalmaha Ciidul Adxa.
June 15, 2024 - Written by Editor:

Ku: Dhammaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda JSL.

Ujeeddo: Munaasibadda Fasaxa Ciid Al-Adxa.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyada oo ka duulaysa Qodobka 64aad ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr.97/2022, waxa ay ku wargelinaysa dhammaan masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawliga ah, in shaqaalaha dawladdu fasax ka yihiin shaqada maalmaha Axada iyo Isniinta, oo ah munaasibadda Ciid Al-Adxa.

Haddaba, Guddoomiyaha Hay’adda shaqaaluhu isaga oo ku hadlaaya magaca Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo guud ahaan shaqaale-weynaha Qaranka JSL, munaasibadda maalinta Ciid Al-Adxa awgeed waxa uu hambalyo u dirayaa dhamaan shaqaalaha dawladda, ehelkooda, xaasaskooda iyo carruurtooda, waxaana uu u rejaynayaa in ay ciidan-ciideeda ku gaadhaan badhaadhe iyo nabad-gelyo waarta.

F.G: Waxa shaqada dib loogu soo noqonayaa maalinta Salaasadda ee ay bishu tahay 18/06/2024.

COMMENTS
LINKS