Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Caynabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Caynabo.
June 4, 2024 - Written by Editor:

Caynaba:(W,N)Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xarunta gobolka Saraar ee Caynaba, ayaa maanta si ballaadhan usoo dhaweeyey wefti ka socda hoggaanka KULMIYE  oo uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo safar shaqo halkaas ku gaadhay.

Taageerayaasha KULMIYE oo ku lebbisan astaamaha xisbiga oo ay wehelinayaan maamulka gobolka, midka degmada madaxda xisbiga ee gobolka, xubno kamid ah holaha wasiirrada, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga horyimi duleedka galbeed ee magaalada, waxana ay u gelbiyeen dhinaca xafiiska xisbiga ee gudaha magaalada, halkaas oo laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo taageerayaasha

COMMENTS
LINKS