Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Oo ka Warbixiyay Talaabooyin Cusub Oo ay Kusoo Kordhiyeen Ilaalinta Imtixaanka Shahaadiga Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Oo ka Warbixiyay Talaabooyin Cusub Oo ay Kusoo Kordhiyeen Ilaalinta Imtixaanka Shahaadiga Ah
June 4, 2024 - Written by Editor:

Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Qaranka JSL, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah lagu soo kordhiyay inay ilaaliyaan sannadkan macalimiinta Jaamacadaha dalku.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay in la joojiyay qorshihii ahaa in ardaydu ay imtixaanka ku galaan xarumaha jaamacdaha, waxaanu sheegay in taas baddelkeeda ay ku galayaan goobahoodii hore ee iskuulaadka.

Geesta kale waxa uu sheegay in ardayga ay uga khayr badan tahay darajada C iyo D intii uu qish ku baasilahaa.

Waxaanu yidhi. “Imtaxaanadka shahaadiga ah waxa ilaalada lagu soo kordhiyay macalimiinta jamaacadaha inay ilaaliyaan sanadkan.

Se Qorshihii ahaa inay ardaydu imtaxaanadka shahaadiga ah ay Jamacadaha ku galaan waa joojinay sidii caadiga ahayd ayay goobihii lagu gali jiray ee dugsiyada Dalka ay ugu galayaan.

Qishkii sanad walba ardaydii waanu ugu taag lanahay, adigoo keena grade C ama D aad shaqaystay ayaa kaaga khayr badan qishka.

Waxaad gacantaada kula soo baxday adeer ku shaqo tag.”

COMMENTS
LINKS