|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dalka Kenya Ufadhiya Somaliland
May 11, 2024 - Written by Editor:HARGAYSA-(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Ambassador Cabdiweli Muxumed Xuseen iyo Kuxigeenkiisa.
Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka ayay labada dhinac iska xog-waraysteen xidhiidhka labada Dalka, Arrimaha Nabadgalyada ee guud ahaan Gobolka iyo Iskaashiga labada Dawladood. Xidhiidhka Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Kenya ayaa ah mid aad u wanaagsan, iyadoo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ay ku nool yihiin in badan 8000 kun oo Kenayaan ah, kuwaasoo ka shaqaysta Dalka, si nabadgelyo iyo Xor ahna ugu nool Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Somaliland ayaa Wasiirka uga mahadnaqay sida uu u qaabilay iyo soo dhowaynta uu u sameeyey. Related posts:Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Gudiyo Umagacaabay Shaqaaqadii Ka Dhacday Ceel Afway Iyo Arimaha Ciid... Ciidamada Booliska Magaalada Hargaysa Oo Xidhay Dad lagu Eedeeyay Inay Foojari-Galiyeen Buuga Caafim... Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Deegaanka Goroyo Cawl Loogu Sameeyay Marxuum ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|