|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Uu Hogaaminayo Madaxwaynaha DDS Oo lagu Soo dhaweeyay Magaalo Xuduudeedka Wajaale Iyo Ujeedada Socdaalkooga!
May 8, 2024 - Written by Editor:TOG WAJAALE(W,N)-IGAD Oo Magaalo Xuduudeedka wajaale ka hirgelinaysa mashruuc looga faa’iidaysanayo biyaha dhulka hoostiisa ah si kor loogu qaado iskaashiga wadamada jaarka ah ee Geeska Afrika. Masuuliyiintii ka socday wadamada urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo si heer sare ah loogusoo dhaweeyay magaalo Xuduudeedka Tog-wajaale ee Deegaanka Soomaalida iyo Somaliland,
Waxaana Wafdigan xudduuda Itoobiya iyo Somaliland kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Maxammed Kaahin Axmed. Ugu Horayna waxaa ujeedada waftigan oo ka kooban qaarkamid ah dalalka urur goboleedka Igad ka hadlay Madaxwaynaha dawlad deegaanka somalida mustafe muxumed Cumar. “Maanta waxaan halkan ujoognaa qorshe qayb ka ah barnaamij balaadhan oo laga fulinayo Dalalka qaybta ka ah IGAD oo ah dhanka biyaha”, Madaxwaynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruuca ka faa’iidaysiga dhulka biyaha hoostiisa kujira oo ah hindise cusub oo ay hoggaaminayso IGAD uu wax weyn katari doono iskaashiga dhanka biyaha ee ka dhaxeeya dalalka Geeska Africa kajira dhammaantood. “Maanta waxaan halkan u nimid anaga oo ka kooban qaar kamid ah wadamada IGAD mashruuca horumarinta adeega biyaha dhulka hoostiisa ah, waxaana Tog-wajaale ka wadnaa mashruuc biyo-galineed oo balaadhan kaasi oo aanu rabno in ay kawada faa’iidaystaan bulshada labada magaalo”,Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee JDFI, Dr. Inj. Habtamu Itafa.
Related posts:Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Todobaadka Soo Socda Ay Furmi Doonan Wada hadaladii Somaliland ... Maayirka Caasimada Hargaysa Oo Soo Kormeeray Wado Casri Ah Oo Laga Hirgaliyay Koonfurta Magaalada Ha... Salaadiinta Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa Xukuumada ku Dhaliilay siday uga seexatay soo Qabasha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|