Taliska Ciidamada Qaranka Somaliland Oo War Kasoo Saaray Waraaq Ay Sheegeen In Ay Si Khaldan Uga Baxday Maalintii Shalay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidamada Qaranka Somaliland Oo War Kasoo Saaray Waraaq Ay Sheegeen In Ay Si Khaldan Uga Baxday Maalintii Shalay.
May 4, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Afhayeenka ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ahna hoggaanka hawlgelinta ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere ), ayaa sheegay in qoraalka kasoo baxay ciidanku aanu ahayn mid rasmi ah oo madaxda ciidanku ay ka warqabeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ahayd warqad ka baxday shakhsi gaar ah oo ka tirsan ciidanka, isaga oo sheegay in kadib markii la ogaaday talaabo laga qaaday ciddii baahisay waraaqdan lagaga hadlay xidhiidhada Somaliland ee arrimaha dibadda.

Geesta kale Afhayeenku waxa uu sheegay in ciidanku uu u simanyahay xisbiyada kala duwan, islamarkana siyaasada arrimaha dibada ay ka hadli karto uun wasaarada arrimaha dibada oo aanu ciidanku shaqo ku lahayn.

COMMENTS
LINKS