|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Sexeexday Heshiis Iskaashi Oo Dhinaca Ciidamada Ah
May 9, 2024 - Written by Editor:ADIS ABABA(W,N)- Somaliland iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis ay Itoobiya Somaliland ugu tababarayso ciidamo booliis ah oo cusub. Heshiiska oo lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada booliiska. “Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir iyo Madaxweynaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan tababarrada labada ciidan boolis” ayaa lagu yidhi qoraalka booliiska. Heshiiskan ayaa daba-socday safar uu dhawaan ku tagay Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, kaasoo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Dawladda Federal Ethiopia Komishaneer General Demelashe G/Mechiel, sida uu booliisku baahiyay. Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhawaan kala saxeexday isfaham siyaasadeed iyo dhaqaale, kaasi oo ay Itoobiya ciidamadeeda badda ugu heli doonto saldhig, halka Somaliland ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya iyo in qayb kamid ah ganacsiga Itoobiya loo soo leexiyo Dekedda Berbera Related posts:Daawo: Pro Mowliid Muunin Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Xisbiga Wadani Kana Soo Diga Rogtay Kulmi... DAAWO; Warbixin; Abaarta Baahsan Ee Deegaanada Somaliland Ku Habsatay Iyo Xaalada Dhabta ah Ee ay Xi... Xilwareejintii Madaxtooyada Iyo Masuuliyiintii Ugu Tirada Badnayd Oo Goob keliya Xil kula kala Waree... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|