“Reer WADDANI Waxaan Leeyahay Doorashada Udiyaar-garooba,Waxana Innaga Reeban Hadallada Xanafta Leh, Qabyaaladda, Shakhsi Cayga,Reer Cayga” Musharax Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Reer WADDANI Waxaan Leeyahay Doorashada Udiyaar-garooba,Waxana Innaga Reeban Hadallada Xanafta Leh, Qabyaaladda, Shakhsi Cayga,Reer Cayga” Musharax Cirro.
May 20, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo khudbad ka jeediyay munaasibad xuska 18may ah oo xisbiga waddani ku qabtay hoyga musharax cirro ayaa shacabka reer Somaliland ujeediyay khudbad la xidhiidha xuska 18may, udiyaar garowga doorashada.

Sidoo kale musharax cirro ayaa ka jawaabay hadal kazoo yeedhay madaxwayne biixi iyo madaxwaynihii hore ee Somaliland daahir riyaale isagoo dhanka kale dardaaran culus ujeediyay taageerayaasha xisbiga wadani wuxuna udhignaa sidan;

“Waxaan salaan iyo bogaadin hawada u marinayaa shacabka Somaliland meel kasta oo ay hoogaan guddo iyo dibad,

waxaan si gaar ah u xusayaa oo aan u bogaadinayaa ciidammada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ah gogosha nabada aynu ku hurudno,

walaalayaal caawa in yar oo kaftan ah ayaan ku darayaayoo dadka xafladan ka soo qayb-galay oo u badan taageerayaasha xisbiga WADDANI waxa ka muuqda qurux badan iyo shacni badan waxaan isleeyahay waxaad u soo diyaargarowdeen aqalka weyn, waxaan si gaar ah u salaamayaa Hablaha, dhalinyaradda, madaxda xisbiga iyo Xildhibaanada wakiillada, deegaanka xildhibaannada guurtida odayaasha innaga jooga, madaxda dhaqanka, saxaafadda, Abwaannada iyo fanaanniinta.

Waxaan jecelahay in aan kalmad ka idhaahdo hadalkii maanta ka dhacay goobtii salaanta ciidammada lagu bixinayay,

madaxweyne Daahir Riyaale iyo madaxweyne Muuse labaduba hadal odaynimo ayay yidhaahdeen maanta,

“waxa ay yidhaahdeen waxa inoo guddoon ah doorasho hufan, doorasho xalaal ah, doorasho xor ah, doorasho ay ka madhan tahay musuq maasuq boob iyo isdaba marin, doorasho ka madhan qabyaalada iyo qoqob, waxaan leeyahay haddii intaa la idinka helayo oo ay idinka dhab tahay annaguna diyaar ayaanu nahay oo waa idinka guddoonay, madaxweyne Muusena waxaan leeyahay waxa inoo ballan ah garoonka weyn ee kubadda lagu ciyaarayo 13-ka November ee shacabka Somaliland makhraatiga ka yahay, reer WADDANI waxa aan leeyahay doorashada u diyaar-garooba, waxaan leeyahay waxa innaga reeban hadallada xanafta leh, waxa innaga reeban qabyaaladda, waxa innaga reeban shakhsi cayga, waxa innaga reeban reer cayga, waxa innaga reeban wax kasta oo xun, waxa aynu tilmaan u noqonaynaa midaynta shacabka Somaliland, walaalaynta shacabka Somaliland, kuwa innaga soo horjeeda waynu tartamaynaa walaallo ayay nahay col ma nihin, xisbiyadda KULMIYE, UCID iyo urrurada kaleba col ma nihin ee waynu tartamaynaa, Somaland dhulkeeda iyo dadkeedaba waxa qeexaya dastuurka, waxa uu u taagan yahay xisbiga WADDANI walaalaynta shacabka iyo ilaalinta xuduudihiisa, insha Allaahu qaybaha dhibku ka dhacay dhulka Somaliland iyo shacabka jooga iyo shacabka kale ee Somaliland dib ayaynu u walaalayn doonaa, waxaanu siinaynaa mudnaanta kowaad in dadka la walaaleeyo oo Somaliland karaamadeeda la soo celiyo oo sharafteeda la soo celiiyo oo haybadeeda la soo celiyo” murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

COMMENTS
LINKS