Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Gudida Ka Midho Dhalinta Gobolnimada Gabiley Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Kulan La Qaatay Gudida Ka Midho Dhalinta Gobolnimada Gabiley Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
May 11, 2024 - Written by Editor:

War-Saxaafadeed;

Maanta oo taariikhdu tahay 11-ka May 2024, Musharraxa Madaxwayne ee Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Murrashaxa Madaxwayne kuxigeen mudane Maxamed Cali Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali X Xasan, mas’uulyiin sarsare oo ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo Xildhibaan Xasan Dhuxul Laab-Saalax waxa ay ku qaabileen hoyga Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Guddida ka midha-dhalinta Gobolnimada Gabiley.

Murrashaxa iyo Madaxda Xisbiga WADDANI, iyaga oo degdeg uga jawaabaya baaqii codka dheer ku baxay ee ka soo yeedhay Guddida ka midha dhalinta Gobolnimada Gabiley ayaa ay si miisaan leh maanta u qaabileen, iyaga oo dhageystay dhammaan ajandayaashii ay soo bandhigeen Guddidaas.

Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI iyo Hoggaanka sare ee Xisbiga waxa ay Guddida u caddeeyeen mawqifkooda ku aaddan raadinta Gobolnimada Gabiley iyaga oo u ballan-qaaday Guddida iyo reer Gabiley guud ahaanba in ay ka go’an tahay ka Xisbi ahaan ka midha-dhalinta Gobolnimada Gebilay, isla markaana kala shaqeyn doona sidii loo sharciyeyn lahaa Gobolnimada Gabiley.

 

COMMENTS
LINKS