Milicsiga; Golaha Wakiilada Jsl Oo Xukuumada ka Dalbaday In Ay Soo Gudbiso Gobolada Buuxiyay Shuruudaha Gobolnimo Ee Ay Gabiley Kamid Tahay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Milicsiga; Golaha Wakiilada Jsl Oo Xukuumada ka Dalbaday In Ay Soo Gudbiso Gobolada Buuxiyay Shuruudaha Gobolnimo Ee Ay Gabiley Kamid Tahay!
May 8, 2024 - Written by Editor:

“GO,AAN GOLE”

Golihii Wakiilada Somaliland Ee ka horeeyay golaha hada jooga Ayaa mooshin ay horkeeneen Mudanayaasha xildhibaano uu hormuud u ahaa bashiir sheekh xuseen tukaale Taariikhdu markay Ahayd 06/12/2016 kuna saabsanaa in xukuumadii axmed siilaanyo soo gudbiso Shuruudaha gobolada buuxiyay gobolnimo ee aan wali la ansixin ee uu gobolka gabiley hormuudka ka yahay. Si ay labada gole uga gutaan waajibaadkooga shaqo.

Sidoo kale go,aanka kazoo baxay golaha wakiilada ayaa xukuumada ka dalbaday in ay soo gudbiso xeerka ismaamulka iyo kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka.

Hadaba golihii wakiilada ee uu wakhtigaa gudoomiyaha ka ahaa cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Ahna Musharax madaxwayne ee xisbiga waddani ayaa go,aan gole xukuumada xisbiga xaakimka kale ee wakhtigaa gadhwadeenka ka ahaa axmed siilaanyo ugudbiyay, taasi oo ilaa hada qoraal ay udireen uu yaalo miiska madaxwaynaha, islamarkaana haayadaha dawlada ee ku shaqada lihi aanay waxba soo gudbin.

Dadaaladii dhamaystirka gobolnimada gabiley ee uu hormuudka u ahaa xildhibaan bashiir tukaale oo kamid ahaa xildhibaanadii hore ee laga soo doortay gobolka gabiley maxaa ka hirgalay? yaase hortaagan, majiraan mudane qaadan kara doorkii Ex Xildhibaan Bashiir Tukaale oo xiligan sii anba qaadi kara doonista shacabka reer gabiley ee dhamaystirka gobolnimada gabiley?

HALKAN KAGA BOGO GO,AANKII GOLAHA WAKIILADA’;

 

COMMENTS
LINKS