|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanka Caasimada qaar ka mida.
May 30, 2024 - Written by Editor:Hargeysa-30-05-2024-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka, gamacsatada iyo dhalinyarada beesha degta Koonfurta iyo Bariga Caasimada Hargeysa, iyo degmada Sallaxley.
Waxa kulankaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud ee Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya. Sidoo kale Kulankaa waxa la isku raacay in la dhiso lana taageero musharaxa madaxweynaha ee xisbi xaakimka Kulmiye iyo xukuumaddiisa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa. Related posts:Culimo Awdiinta Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Nuxurka Qodobada Ay Soo S... DAAWO: Bandhiga Buugaagta Hargaysa Ee, Hargaysa International Book Fair Oo Markii 10.aad La Daah Fur... DAAWO; Afhayeenka Garabka Isbahaysiga Kulmiye Oo Shaaca Ka Qaaday Dalab Xukumada Kaga Yimid Iyo Ara... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|