Madaxwaynihii Dalka Iran Iyo Wasiirkii Arimaha Dibada Oo La Xaqiijiyay In Ay Ku Geeriyoodeen Shil Diyaaradeed! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynihii Dalka Iran Iyo Wasiirkii Arimaha Dibada Oo La Xaqiijiyay In Ay Ku Geeriyoodeen Shil Diyaaradeed!
May 20, 2024 - Written by Editor:

TEHRAN(W,N)-Warbaahinta Iran ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha Iran Ibrahim Ra’iisi iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo saraakiil la socotay ay dhammaan ku dhinteen, shil diyaarad hellikobter ah oo xalay ka dhacay buuralleyda u dhaxeysa gobolka Bariga Azerbaijan ee dalka Iran.

Iranian President Ebrahim Raisi speaks during a meeting with Azerbaijan’s President Ilham Aliyev on the Azerbaijan-Iran border, May 19, 2024. Iran’s Presidency/WANA (West Asia News Agency)/Handout via REUTERS

Saraakiil ka tirsan Iran oo ka gaabsaday in magacooda lasoo xigto, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay geerida Ra’iisi iyo madaxdi kale ee Dowladda Iran ee la saarnaa diyaaradda hellikobterka ah.

“Madaxweyne Raisi, wasiirka arrimaha dibadda iyo dhammaan rakaabki la socday kulligood waxay ku dhinteen shilka” ayuu yidhi sarkaalka la hadlay Reuters, ee codsaday in aanan la magac-dhabin sababo la xidhiidha warkaan oo ah mid xasaasi ah.

Wakaaladda wararka Iran ee Mehr ayaa sidoo kale xaqiijisay dhimashada madaxweynaha, iyada oo qortay sidan “dhammaan rakaabki la socday hellikobterti wadday madaxeynaha Iran iyo wasiirki arrimaha dibadda waa ay shahiideen”.

Goor sii horreysay oo saakay ah, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegay in diyaaraddi ay la socdeen madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda Hossein Amirabdollahian ay gabi ahaanba gubatay kaddib marki ay ku dul dhacday dhulka buuraleyda ah.

Telafishanka qaranka Iran ayaa isna soo daayay sawirro muujinaya burburka iyo gubashada diyaaradda, isaga oo ku warramay in diyaaradda hellikobterka aheyd ay ku dhacday cirifka ugu sarreysa ee mid ka mid ah buuraha ay kusoo dul dhacday.

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa sheegtay in Ra’iisi uu la socday diyaarad nuuca qummaatiga u kacda ah oo lagu sameeyay Mareykanka, nooceeduna ahaa Bell 212 helicopter.

Madaxwayne Raisi, oo ahaa 63 jir ayaa xilka madaxtinimada Iran loo doortay sannadki 2021-ki, isla marki la dhaariyay wuxuu adkeeyay qawaaniinta anshaxa isaga oo kor kala socday olole dadka looga reebayay munkarka, kaas oo sababay bannaanbaxyo looga soo horjeestay dowladda.

COMMENTS
LINKS