|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Oo Shacabka Jsl Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum Suldaan Bare Oo Galabta Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
May 26, 2024 - Written by Editor:Madaxwayaha jsl ayaa dhambaal tacsi ah udiray bahda dhaqanka, shacbiga reer Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka bay Alle Ha,unaxariistee Suldaan Bare Xaaji oo galabta ku geeriyooday magaalada Hargaysa . TACSI MADAXWEYNE: 26/05/2024. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, shacbiga reer Somaliland iyo bahda dhaqanka ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 26/05/2024, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Oday dhaqan oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda dhaqanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Related posts:“27 Sanadood Siyaasiyiinta Muqdisho Waxay Sharxi Kari La’Yihiin Waxay Uga Jeedaan MIDNIMADA Soomaali... Dawladda Somaliland Oo Shirkadaha Kalluumaysi Ee Shiinaha Uga Digtay In Ruqsada Ay Dawladda Soomaali... Madaxdhaqameed Iyo Aabaha Dhalay Marxuumkii Lagu Diley Muqdisho Oo Markale Fariin Udiray maamulka so... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|