|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Xilkii ka Qaaday Badhasaabkii Gobolka Togdheer, Una Magacaabay Masuul Hore Usoo Qabtay Xilkan.
May 13, 2024 - Written by Editor:Wareegto Madaxweyne 13.05.2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Togdheer, kuna magacaabay masuul cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale; Guddoomiyihii Gobolka Togdheer Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid. Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Jaamac Cabdillaahi Warsame Caateeye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Related posts:Xukuumadda Somaliland Oo Ka Digtay In La Taageero Kooxda Somaaliya Iyo Fariinta Ay Udirtay Shacabka! “Askariga Codkiisu Wuu Qarsoon Yahay Laakiin Isaga Oo Kalsooni Qaran Haysta Laguma Dhex Arki Karo Xi... Warar dheeraada oo kasoo baxaya Mudaharadkii ka socday gabiley iyo dhaawaca oo gaadhaya 5qof ciidam... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|