Madaxwaynaha JSL Oo Kulan La Qaatay Gudida Dan Iyo Duco Ee Beelaha Ciise Muuse Iyo Xogaha Laga Helayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Oo Kulan La Qaatay Gudida Dan Iyo Duco Ee Beelaha Ciise Muuse Iyo Xogaha Laga Helayo!
May 21, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha jsl Ayaa saaka Qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay gudida Dan Iyo Duco ee beesha Ciise Muuse Kaasi oo warbaahintu dibad joog ka Ahayd

Kulanka madaxwaynaha iyo gudida dan iyo duco ayaa waxaa kazoo baxaya xogo kala duwan oo la xidhiidha arimaha ay ka wada hadleen

Qaarkamid ah xubnaha gudida dan iyo duco ee madaxwaynaha la kulmay oo k gaabsaday in la sheego magacooga ayaa warbaahinta usheegay in kulan kaasi Uu kusoo dhamaaday natiijo la,aan.

Madaxwayne biixi oo isagu lahaa casuumadan kulanka ayaa gudida usoo bandhigay sidii ay udhisi lahaayeen mar labaad madaamada uu markale usharaxan yahay madaxwaynaha jsl halka ay gudidu la garnaqsadeen madaxwaynaha oo ay tabasho wayn ka qabaan saamiga xukuumadiisa uu kasiiyay 7sano ee uu xilka madaxwayne hayay islamarkaana aanay xukuumadiisu waxba ka qaban deegaanada ay  beeshu degto ee maroodi jeex, saaxil iyo togdheer,

Sidoo kale madaxwaynaha iyo gudida oo door dheer oo buuq dhalisay ay dhexmartay ayaa ku kala tagay in beeshu ay kazoo tashan doonto taageeridiisa,

Dhanka kale wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha cabdilaahi oo kazoo jeeda deeganada gudida dan iyo duco islamarkaana kamid ahaa xubnihii fadhiyay shirka ayaa beeniyay wararka baraha bulshadu lagu baahiyay ee la xidhiidha kulankan, ee sheegayay in gudida dan iyo duco iyo madaxwaynuhu ku kala kaceen shirkan isagoo sheegay in uu shirku kusoo dhamaaday Is Afgarad iyo jawi wanaagsan.

Gudida dan iyo Duco ee beesha ciise muuse ayaa kamid ahaa beelihii sida wayn ugu ololeeyay in madaxwayne biixi uu ku fadhiisto kursiga dalka ugu sareeya doorashadii 2017 ahaana garabadii uu ku duulayay madaxwayne biixi oo ay isku deegaan yihiin balse xiligan waxay umuuqdaan kuwo aan la dhacsanay xukunkiisa iyadoo maalmihii udanbeeyay warbaahinta lagu arkayay shirar ay qabsadeen dhalinyaro kazoo jeeda beeshan iyo siyaasiyiin miisaan ku leh dalka oo ku biiray xisbiga mucaaridka ee waddani.

 

COMMENTS
LINKS