Madaxwaynaha DDS Oo ka Hadlay Muhiimada Uu Uleeyahay Mashruuca Berbera Corridor Ee Isku Xidha Somaliland Iyo Itoobiya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha DDS Oo ka Hadlay Muhiimada Uu Uleeyahay Mashruuca Berbera Corridor Ee Isku Xidha Somaliland Iyo Itoobiya!
May 27, 2024 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N)- Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in mashruuca Berbera Corridor kaalin muhiim ah ka qaadanayo horumarinta cilaaqaadka mandaqada gobolka Geeska Afrika.

Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin ay daabacday maanta Wakaaladda  wararka Itoobiya ee ENA, oo ku saabsanaa kulan lagu fallanqeynayo mashruuca dhaqaalaha ee Berbera Corridor oo lagu qabtay Magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Jigjiga oo kaashanaysa maamulka magaalada Jigjiga, waxa ka soo qaybgalay Maayirrada magaalooyinka Hargeysa,Berbera,Boorame iyo Gabiley.

Waxa kaloo ka soo xaadiray maamulka Magaalooyinka Itoobiya.

Sidoo kalena waxa madasha shirkaas goobjoog ka ahaa madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Guddoomiyaha Jaamacadda Jigjiga, Wasaaradda magaaleynta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Itoobiya.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa hadal uu ka jeediyay shirkaas wuxuu ku sheegay in ka faa’iidaysa Berbera Corridor uu waxtar u leeyahay xoojinta iyo kor u qaadista cilaaqaadka dalalka gobolka.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay dekedda iyo adeegyada gaadiidka badda ee mandaqada.

Guddoomiyaha Guddida sare ee Jaamacadda Jigjiga Tesfaye Beljige, ayaa ka warramay in adeegyada dekedda Berbera uu kor u qaadayo dhaqdhaqaaqyada horumarinta, dhaqaalaha  iyo ganacsiga dalalka Afrika.

Aqoonyahanno ka socda Somaliland iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay khudbado ka jeediyaan shirkan lagu lafo-gurayo faa’iidooyinka dhaqaale ee mashruuca Berbera Corridor iyo faa’iidada isku xidhka waddooyinku u leeyihiin Somaliland iyo Itoobiya.

COMMENTS
LINKS