Hoggaanka Xisbiga WADDAN Oo Qaabiley Qaybo ka mid ah Haldoorka Dhallinyarada, Haweenka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Haashin Ee Arab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaanka Xisbiga WADDAN Oo Qaabiley Qaybo ka mid ah Haldoorka Dhallinyarada, Haweenka iyo Siyaasiyiinta Beelaha Haashin Ee Arab.
May 12, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Kulankan balaadhan oo ka dhacay hoyga musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI waxa si weyn loogu taageeray hadal uu jeediyay Suldaan Barre Xaaji Xuseen Carraale oo nuxurkiisu ahaa in dadka uu suldaanka u yahay taageeraan Xisbiga WADDANI.

Qaybaha kala duwan ee madasha ka qayb galay ayaa si buuxda u taageeray Xisbiga WADDANI islamarkaana si diirran u soo dhaweeyay baaqa isbedel doon ee Suldaan Barre.

Madashan waxa goob joog ahaa  Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha xisbiga mudane Xirsi Cali X Xasan, guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Marwo Milgo Sanbalooshe, guddoomiye kuxigeen Maxamed X Yuusuf Waabeeyo, xoghayaha guud Khadar Xuseen Cabdi, xoghayaha Warshadaha Sakariye Cabdiraxmaan Ismaaciil, Afhayeenka garabka dhallinyarada Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen, xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase, Xildhibaanno iyo masuuliyiin  sarsare oo xisbiga ah.

Masuuliyiinta ayaa dhammaantood si diirran u soo dhaweeyay taageerada iyo barbar istaagga haldoorka Beesha Haashin iyo ajiibidda degdegga ah ee baaqii Suldaan Barre, islamarkaana tilmaamay in xisbigu u heellan yahay kaalintooda isbedel doon.

COMMENTS
LINKS