Guddida Heer Qaran Ee Dhismaha Suuqa Waaheen Oo Soo Saaray Amaro cusub! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Heer Qaran Ee Dhismaha Suuqa Waaheen Oo Soo Saaray Amaro cusub!
May 2, 2024 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddida Heer Qaran ee Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ayaa amar ay maanta soo saareen waxay ganacsatada fareen inay ugu dambayn maalinta Sabtida ku baneeyaan waddooyinka Suuqa Waaheen. Waxa kaloo ay Guddidu intaasi ku dareen inay go’aankan isla qaateen Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Toddobaadkii hore ayey ganacsatada suuqaasi sheegeen in aanay haysan meel ay uga guuraan halka ay hadda ku ganacsatadaan ee laga rarayo, iyagoo codsaday in la siiyo meel ay sii degaan, kuna sii ganacsatadaan inta suuqa loo dhamaystirayo.

COMMENTS
LINKS