|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamada Dabdamiska Hargeysa Oo Soo Saaray Maydka Wiil Dhalinyaro ah Oo Ku Dhintay Barkad Biyood Ku Taala Galbeedka Hargeysa
May 26, 2024 - Written by Editor:Wiil Dhalinyaro ah oo Ku Dhintay Barkad Ku taala Degmada duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa. Alle Haw Naxariistee Wiil Dhalinyaro ahaa ayaa ku dhintay Barkad ku taala duleedka Galbeed ee magaalada Hargeysa,gaar ahaan agagaarka Maqaaxida Inanta. Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa u gurmaday Goobtaas, ayaa ciidanku ku guuleysteen inay maydka ka soo saaraan Barkadda. Wiilkan dhalinyarada oo da’adiisu qiyaas ahaan ahayd 20 Jir ayaa ka soo jeeday Qoomiyada Oromada ee waddanka Itoobiya. Waayadan dambe waxaa aad u soo batay dadka ku dhimanaya Balliyada iyo Baraagaha, waxaana ciidanka Dabdemisku halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka digtoonaadaan Balliyada iyo Baraagaha, sidoo kale la daboolaa.
Related posts:Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Uk Oo Munaasibad Soo Dhawayn Ah Uqabtay Abwaan Ismaciil Jiheeye. DAAWO;"Muuse Biixi Ka Yeeli Mayno Inay Somaliland Dunto,Malaha Xabadihii Ayaa Waxyeelay”Eng Faysal C... Daawo:Sawiro Cajiiba Oo Maanta Laga Qaaday Xafladii Xilwareejinta Madaxwaynihii Hore ee Somaliland S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|