|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga Waddani Oo Si kulul Ucanbaareeyay Xadhiga Xukuumadu kula Kacday Midkamid Ah Dhalinyarada Magaalada Boorama!
April 30, 2024 - Written by Editor:Xisbiga WADDANI waxa uu sida ugu adag u cambaaraynaya xadhigga sharci darrada ah ee xukumadda Kulmiye magaalada Boorama ugu gaysatay Cabdiwahaab Cismaan Cumar (Unity) oo ka tirsan dhallinyarada saamaynta leh ee xisbiga WADDANI. Cabdiwahaab Unity waxa xorriyaddiisa looga qaaday iyada oo aan dariiq sharci loo marin. Xadhiggiisu waa mid ka hor imanaya xorriyatul qawlka iyo shuruucda dalka oo Dastuurku ugu sareeyo kaas oo si weyn u dhawray xorriyadda iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland. Xukumadda Kulmiye waxaanu uga digayna tallaabooyinka ay ku cabudhinayso muwaadiniinta Somaliland ee aragtidooda sida salmiga ah uga dhiibanaya arrimaha siyaasadda ee masiirkooda taabanaya iyo xaaladaha wakhtigan taaggan, taas oo sharcigu u ogol yahay. Waxa muuqata in xukumadda Kulmiye siyaasi Cabdiwahaab Unity u xidhay aragtidiisa siyaasadeed iyo mawqifkiisa ah in uu xisbiga WADDANI ka mid noqdo. Waxa muuqata in hoggaamintiisa dhanka isbedelka u jehaysay dhallinyarada reer Awdal ay xukumaddu xamili wayday sidaas darteedna ay si sharci darro ah u qafaalatay muwaadinkan shuruucda dalku u dammaanad qaadday xorriyaddiisa siyaasadeed. Waxaanu xukumadda ugu baaqayna in ay si shuruud la’aan ah oo degdeg ah ku soo dayso Cabdiwahaab Unity islamarkaana joojiso tallaabooyinka lagu xannibayo aragtida xorta ah ee dhanka siyaasadda ee muwaadiniinta Dastuurku u dammaanad qaaday. Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI Mudane Yoonis Axmed Yoonis. Related posts:Daawo: “Qabyaalada Iyo Musuq-Maasuqa Uu Kulmiye Soo Nooleeyay Waanu Baabiinaynaa”.Siyaasi Ismaaciil... “Madaxweyne, Adigoo Ku Fadhiya Kursigii Ugu Sareeyey Dalka, Lagaama filayn Inaad Ummadda U Kala Abti... War-Deg-Dega-Wasiir Ku-Xigeenkii Wasarada Boosaha Oo La Baxsaday Gaadhi Ay Wasaaradu Layd Iyo Ciidan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|