|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maalgashiga Jsl Oo Kormeeray Mashaariic Waawayn Oo Shirkada Oomaar Ka Hirgalisay Magaalada Berbera!
April 23, 2024 - Written by Editor:BERBERA(W,N)-Wasiirka maalgashiga iyo warshadaha Somaliland ayaa maanta kormeer u tagay mashaariic waawayn oo shirkada oomaar Company ka hirgalisay magaalo xeebeeda berbera kuwaasi oo qaarkood dhamaadeen qaarna ay wali socdaan dhismahoogii Shirkada Oomaar International Company ayaa magaalada berbera ka hirgalisay shan mashruuc oo waawayn kuwaasi oo ay ku baxeen malaayiin dollar kala ah warshada jiingada, warshada daqiiqda, warshada konkoraydka, maamaha kaydka shidaal iyo haamaha kaydka saliida. Sidoo kale masuul katirsan shirkada oomaar ayaa ka warbixiyay mashariicday ka hirgaliyeen berbera Dhanka Kale wasiirka wasaarada maalgashiga ayaa kahadlay ujeedada kormeerkiisa iyo maalgashinta ay shirkada oomaar samaysay. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay Inaanay Xukuumadu Haysan Kalsoonida Shacabka Oo Aanay Wada Hada... Gudomiyaha Urur Siyasadeedka Horseed Oo Munaasibad Casho Sharaf Ah Ku Maamuusay Kooxda Kubada Cagta ... Madaxwayne Kuxigeenka jsl iyo wafti uu hogaaminayo oo safar deg deg ah ugu baxay gobolka awdal COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|