|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Ku-xigeenka Khaarajiga Jsl Oo Ku Diirsatay Abaalmarinta Caalamiga ah Ee la Gudoon Siiyay Dr. Edna Aadan
April 15, 2024 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Rooda Jaamac Cilmi ayaa bogaadisay Drs. Edna Aadan oo la gudoon siiyay abaalmarinta caalamiga ah ee Templeton Prize oo ay ku guulaysatay sannadkii 2023kii. Rooda Jaamac waxa ay sidaas ku sheegtay farriin uu ay ku baahisay barteeda X (Twitter), waxayna ku tidhi “waa mid ahmiyad leh in aanu aragno Edna Aadan oo xaflad rasmi ah lagu gudoon siiyay abaalmarinta caalamiga ah ee Templeton Prize, taasi oo ay ku mutaysatay doorkeeda wax ku oolka ah ee ay ka qaadatay caafimaadka haweenka Somaliland. Marwo Edna Aadan waxa ay tusaale nool ku tahay juhdiga shaqada adag iyo taabogelinteeda. Sidoo kale Marwo Edna Aadan waxa ay weyn inoogu tahay hormuud lagu deydo.” Qore: Cumar Maxamed Faarax Related posts:Odayaasha iyo Wax-garadka Degmada Xariirad oo Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland Ka difaacay Eedo Loo... DAAWO;-Abwaan Sacad Gadhle Oo Xukuumadihii Kala Danbeeyay Ee Xisbiga Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Hagra... Maayarka Laascaanood Oo Hay,addo Caalami ah Iyo Safaarada Mareykanku Ku Bogaadisay Doorka Ay Ka Qaat... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|