|
|||||
WAJAALE NEWS
Shir Lagaga Hadlayay Arimaha Abniga Jsl Oo ka Qabsoomay Miiska Saraakiisha Iyo Qodobada Kasoo Baxay!
April 14, 2024 - Written by Editor:Maanta oo ku beegan 14-04-2024()- waxaa ka qabsoomay Xarunta Miiska Saraakiisha shirkii amniga, kaasoo ku saabsanaa adkaynta amniga guud ee Dalka, gaar ahaana amniga gudaha iyo xuduudaha Dalka, shirkan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Shirkan amniga ayaa waxaa kale oo lagu falaqaynayeyb u diyaar garowga xuska maalinta Qaran ee 18 ka May, taasoo si wayn loogu diyaar garoobayo shacab iyo Dowladdba, iyadoo la isla qaatay in la dardargeliyo wada shaqaynta lamaha amniga iyo Xoojinta amniga, iyadoo shacabka Jamhuuriyaddana ay markasta doorkooda ka qaataan ilaalinta Nabadgalyada iyo la shaqaynta Ciidamada kala duwan ee u taagan sugid nabadgelyada.
Related posts:Maamulka Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Banaan Baxyo Xalay Ka Dhacay Magaalada Burco Iyo Fariinta Ay ... Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Shaaciyay Shanta Xubnood Ee Uga Qayb Galaya Qaban-qaabada Shirwaynaha ... Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo Guul Taariikhi ah ku tilmaamay Booqashada Buhoo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|