|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Laga Dalbaday Inuu ka Hawlgalo Soo Daynta Maxaabiista Ciidamada Qaranka Ee Ku Xidhan Laascaanood ..
April 24, 2024 - Written by Editor:Mudane Madaxweyne, waxa aannu si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa in aad si buuxda uga hawlgasho sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista dagaalka ee laga haysto Somaliland ee ku xidhan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Maxaabiistan xidhan waxa lagu qabtay dagaalkii dhacay 25 August 2023, maanta ilaa maalintaasina waxay xidhnaayeen, runtiina waa waqti aad u dheer oo mudan in laga hawlgalo sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista ciidanka qaranka JSL. Mudane Madaxweyne, soo daynta maxaabiista waxa saldhig u ah nabadgelyo buuxda iyo isfaham siyaasadeed oo la hirgeliyo, iyadoo aan loo baahnayn in arrintaasi la siyaasadeeyo, balse loo baahan yahay in indho bani’aadanimo lagu eego, xalkoodana la raadiyo. Waxaanan Madaxweyne ku rajo weynahay in aad aqbali doonto baaqa ku xusan warqaddan furan, iyadoo aan Ilaahay SWT ka baryayo inuu hawshaas inoo wada fududeeyo. Axmed Yuusuf Xuseen Chairperson of COMPAD Community development and human rights organisation Related posts:Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Fariin Culus U Diray Shacabka dalkiisa Iyo Xaaladihii Ugu Dambeey... Bulshada ku dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Oo Madaxwaynaha Jsl Iyo Wasiirka Arimaha Gudah... DAAWO: "Beelaha Ku Dagaalamaya Ceel-afwayn Cuduud Ciidan Iyo Xoog Ayaanu Ku Xalin Doonaa"Wasiir Maxa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|