|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Xilkii ka Qaaday Safiirka Somaliland Ufadhiyay Dalka Itoobiya Iyo Masuul kalena Umagacaabay!
April 22, 2024 - Written by Editor:Wareegto Madaxweyne. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/04/2024 uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyey Dalka Ethiopia, kuna magacaabay wakiil Cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalmiga ah Mudane, Waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid. Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Aadan Geeddi Qayaad Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Related posts:DAAWO;-Dawlada Somaliya Oo Shaacisay 46 Qof Oo Cusub Laga Helay Coronavirus Iyo Tirada Ugeeriyootay ... Masjidka Cali Mataan Oo Lagu Soo Gabo Gabeeyay Tartanka Quraanka Bisha Ramadaan Iyo Abaalmarino La G... Sababta Dhabta ah Ee Ka Danbaysa Inay Masuuliyiinta Xukuumadu Ku haftaan Si dhiiranaan ahna Uga Hadl... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|