|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Xilkii ka Qaaday Safiirka Somaliland Ufadhiyay Dalka Itoobiya Iyo Masuul kalena Umagacaabay!
April 22, 2024 - Written by Editor:Wareegto Madaxweyne. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/04/2024 uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyey Dalka Ethiopia, kuna magacaabay wakiil Cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalmiga ah Mudane, Waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid. Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Aadan Geeddi Qayaad Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|