|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Xilkii Ka Qaaday Badhasaab Kuxigeenkii Gobolka Salel!
April 28, 2024 - Written by Editor:Wareegto Madaxweyne 28.04.2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland, kuna magacaabay masuul cusub. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
Guddoomiye Ku Xigeenkii Gobolka Salal; Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid. Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Xuseen Iidle Barkhadle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Salal ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|