|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Wareegto Ku Cayimay Wakhtiga Ay Dhacayso Doorashada Isku Sidkan Ee Madaxtooyada Iyo Ururadu!
April 21, 2024 - Written by Editor:Wareegto Madaxweyne 21.04.2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024 Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka; Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka; Waxaan Soo-saaray; In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|